Mid ka mida ragii ka danbeeyay Qaraxyadii Boston oo lagu helay denbigaa, ma ka badbaadi doona xukun Dil ah?
Boston April 09, 2015(SDN/QJ)- Mid ka mida labadii nin ee walaalaha ahaa ee ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay tartankii oradada ee magaalada Boston bishii April 15, 2015 ayaa lagu helay denbiyo 32 ahaa oo lagu soo oogay.
Dzhokhar Tsarnaev oo haatan 21 jir ah Ayaan qareenka meteleysa Kriaty Clark aaney dafirin in uu qaraxyadaa ka danbeeyay.
Qareenka ayaase ku doodeysa in Dzhokhar Tsarnaev aanu aheyn ruuxa qorsheeyay qaraxyada balse uu ahaa inan yar oo walaakiis uu ku khasbay falka argegixiso.
Denbi oogaha ayaa haatan isla xeer beegtida Dzhokhar Tsarnaev denbiga ku hesha ayaa looga fadhiyaa in ay haatan ridaan xukunka ciqaabta ah.
Dzhokhar Tsarnaev ayaa haatan qareenadiisu ku hawlan yihiin sidii ay xeer geegtida uGu qancin lahaayeen in aan dil lagu ridin.
Qareenada Dzhokhar Tsarnaev ayaa u baahan uun in mid ka mida 12 xeer beegti in laga helo in uu yiraahdo eedeysanuhu dil uma qalmo.
Qreenada ayaa doorbidaya xukun xabsi daaim ah in loogu bedelo ka dilka ah ee dawlada Mareykanku la dooneyso eedeysanaha.
SDN/QJ-Boston