|

Mid ka Mida ah Dalalka Galbeedka Africa oo dadkiisa ku amray in Afar Cisho aanay Guryahooda ka soo Bixin

Sierra Leone 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Cudurka Ebola ayaa waxa uu galaaftay noolaanshaha dad badan oo ku nool Galbeedka Afrika.

Dowladda Sierra Leone ayaa qorshaynaysa in ay soo rogto xannibaad afar maalmood ah si la isugu dayo in lagu hakiyo faafidda caabuqa dhaliya cudurka Ebola.Dalkan oo ku yaala galbeedka Africa ayaa ka mid ah waddamada uu sida daran u saameeyay cudurka dilaaga ah ee Ebola

sIRALIYOONLa-taliyaha madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in tallabadan ay u ogolaaneyso shaqaalaha caafimaadka in ay ogaadaan,isla markaana ay karantiimeeyaan bukaanno hore oo qaba cudurka Ebola, waxa uuna arrintani ku tilmaamay qaab dalkaasi Sierra Leone uu ku joojinayo faafidda cudurka si kama dambeys ah.

La-taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in tiro ka badan 20-kun oo qof la hawlgelin doono si loo xaqiijiyo in dadka deegaanka ay guryahooda ku ekaadaan muddadaasi afarta maalmood ah.Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in tallaabadani ay tahay tii ugu adkayd ee abid la qaado, haddii si xoog ah la isugu dayo in lagu hirgeliyana ay suurtagal tahay in ay ka dhashaan muddaharaadyo rabshado wata.

Sierra Leone SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed