Mid ka Mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo la Khaarajiyay
Muqdisho 09.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xildhibaan Cabdullaahi Qayaad Barre oo xubin ka ahaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu toogtay isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Weriyeyaashamagaalada Muqdisho ayaa ku soo warramaya in ay xildhibaanka toogteen rag hubeysan, kaddibna ay goobta ka baxsadeen.
Wuxuu sheegay in ciidamo isugu jira boolis iyo nabad-sugid ay goobta gaareen si ay baaritaanno u sameeyaan.
Goobjoogeyaal ayaa warbaaahinta u sheegay in ciidanka dowladda ay qabteen nin looga shakiyay inuu wax ka ogaa falka dilka ah ee xildhibaanka.
Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaanka.
Cabdullaahi Qayaad wuxuu noqonayaa xildhibaankii ugu horreeyay ee sanadkan la dilo. Waa xildhibaankii lixaad oo la dilo tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday kumeel gaarka ah.