|

Mid ka Mid ah Xayawaanada uu Aadamuhu u adeegsado Xaaladaha Colaadeed & Filashada Fiid meertii Banbooyinka Lagu Rakibay

Hargaysa 03. August 2017 (SDN/QJ):- Xilligii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku, weerarkii caanka noqday ee lagu burburiyey dekedda Pearl kadib, waxa ay khubaradii reer galbeedku sameeyey iskudayo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay xayawaanka uga faa’idaystaan dagaallada.

Fikradihii arrintaas la xidhiidhay ee yimid waxaa ka mid ahaa mid uu soo jeediyey oo ahayd in fiidmeerta loo adeegsado gubista iyo qarxinta jabbaan.  Waxa uu ku taliyey in fiidmeer aad u tiro badan oo lagu tababaray duulista, inta jidhkooda lagu beero bambooyin iyo walxo si daran u qarxaya kadibna lagu sii daayo magaalooyinka Jabbaan si ay u gubaan.

 

Nasiibdarrada ku dhacday khubaradii Maraykan waxa ay ahayd, Fiidmeertii oo sidii ay ka filayeen noqon weyday oo khasaarisay dadaalkii badnaa ee khubarada Maraykanka iyo maalgelintii mashruucan oo oo xilligaas gaadhay 2 Milyan oo doolar.

 

Fiidmeertii markii la isku qanciyey in ay tababaratay ee jidhkeeda lagu beeray bambooyinkii, kadibna lagu sii daayey hawada Jabbaan, qaarkood waxa ay qarxeen iyaga oo aan gaadhin magaalooyinkii, ama meelo muhiim aan ahayn ayaa ay ku qarxeen, qaarkood meelo kaba baxsan magaalooyinka ayaa ay u duuleen oo dibba looma arag, badankooduna dhibaato ma’ay geysan.

 

Fikirkii ku taliyey in xeeladdan la adeegsado markii dambe taariikhdu waxa ay u aqoonsatay naanaysta ahayd, ‘Fikirkii waallida’.

 

Weerarkii dekedda Pearl Harbour

 

7dii bishii Diisambar 1941-kii goor ammintu Siddeedii subaxnimo ahayd ayaa boqollaal diyaaradaha dagaalka ee dalka Jabbaan ahaa ay weerareen saldhiggii ciidamada badda Maraykanka oo ahaa dekedda Pearl oo ku taalla gobalka Hawaii. Weerar socday laba saac oo aanay mar keliya kala joogsan bambooyinka iyo gantaalaha ay diyaaradaha Jabbaanku tuurayeen ayaa ku dhammaaday burbur aan la malayn karin oo soo gaadhay dekeddii iyo wixii yaallayba. 20 Maraakiibtii dagaalka ee Maraykanka ah, oo 8 ka mid ahi ahaayeen kuwo casri ah oo weerarrada culus loo adeegsado iyo in ka badan 300 diyaaradood ayaa burburay. Askar iyo badmaax Maraykan ah oo oo tiradoodu 2000 ka badnayd ayaa ku dhintay weerarka, 1000 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

 

Maalintii ku xigtay khasaarahan ayaa madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Franklin D. Roosevelt waxa uu Kongareeska dalkiisa weydiistay in loo fasaxo dagaal uu ku qaado Jabbaan, hal xildhibaan marka laga reebana dhammaan xubnihii Kongareesku waa ay ansixiyeen. Saddex maalmood kadib ayaa xulafadii Jabbaan oo ahaa Jarmalka iyo Talyaanigu waxa ay iyaguna ku dhawaaqeen xaalad dagaal oo Maraykanka ka dhan ah, golayaashooda baarlamaankuna ansixiyey.

 

Bambooyinkii Fiidmeerta

 

Fiidmeertu waa xayawaanka keliya ee naasleyda ah ee si buuxda u duuli kara. Fikradda ah in fiidmeerta lagu rakibo bambooyinka waxaa lahaa Lytle S. Adams oo ahaa dhakhtar ilkaha ah oo Maraykana, waxa ay aqoon dheer isu lahaayeen marwadii koowaad ee Maraykanka ee xilligaas Eleanor Roosevelt oo ahayd gabadh aad u awood badan. bishii Koowaad ee 1942-kii ayaa uu fikirkan ku qanciyey Guriga Cad isaga oo kaashanayey Donald Griffin oo ahaa saynisyahan Maraykan ah, cilmibaadhiso hore oo badanna ku sameeyey dabeecadda xayawaankan.

 

Adams waxa doonayey in uu ka faa’idaysto xaqiiqo uu ogaaday oo ahaa in qalabka ugu badan ee Jabbana ay dhismaha u isticmaashaa uu ahaa mid si sahal ah u guban kara iyo in dhismayaal badan ay samayskooda ka mid yihiin waraaqo iyo walxo guban og. Qorshuhu waxa uu ahaa in shimbirahan lagu sii daayo magaalooyinka Jabbaan, gaar ahaan meelaha warshadaha iyo dhaqaaluhu yaallaan, fiidmeertaasi waa ay ka fogaan doontaa halka laga soo daayey, kadibna waxa ay hoy ka dhigan doontaa dhismayaasha, kadibna bambooyinka shimbiraha ku rakiban oo waqti dheer lagu buuxiyey ayaa qarxi doona, gubasho badan oo khasaare laxaad leh gaadhsiiya Jabbaan ayaana ka dhalan doonta.

Comments are closed