Mid ka Mid ah Ururada Xuquuqul Iinsaanka oo Xukuumada ku eedeeyay Gabood falo ay kula Kacdo Xuquuqda aadamaha iyo Xoriyada Saxaafada
Hargaysa 09.Dec 2013 (SDN)- Ururka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqa ee Human Rights Center oo Somaliland ka hawl gala ayaa soo bandhigay Qodobo tiro badan oo walaac dhinaca Xuquuqda Aadamaha ay ka qabaan.
Ururka oo Warbixn sanadeediisa ku soo bandhigay Shr Jaraa’id oo Hargeysa uu ku qabtay ayaa sheegay inay jiraan Tacadiyo ka dhan ah Xoriyadda Saxaafadda Madaxa banaan, Tacdiyo lagula kaco Haweenka, Xisbiyada Mucaaradka ah oo laga hor joogsado Mudaharaadada ay dareenkooda ku muujinayaan iyo qodobo kale.
Gudoomiyaha Ururka Human Rights Center Guuleed Axmed Jaamac oo ugu horayn ka hadlay Xoriyadda Saxaafadda ayaa sheegay in tacadiyo badan ay la kulmayso Saxaafadda Somaliland. Xukumadda ayuu ku dhaliilay xadhiga iyo cabudhinta dhinaca warbaahinta ay u gaysanayso.
”dhacdooyinkaas iska soodaba dhacay waxa ay ee 16ka wariye lagu xidhay waxa ay dhibaato wayn ku yihiin xoriyada saxaafada madaxbanaan ee somaliland waana arin dastuurka qaranka somaliland uu damaanad qaaday maahana arin ay saxaafada madaxbanaani baryayso waxa weeyan arin uu dastuurku damaanad qaaday oo ah xoriyadooda. waxaanu ognahay oo aanu qabnaa in xoriyada saxaafadu laf-dhabar utahay xoriyaadka iyo xuquuqaadka kale oo dhan hadaan lahayn saxaafada hadlaysa oo waxa dhaliilaysa oo dhibaatooyinka jira soo sheegaysa oo dadku codkooga ku dhiiban Karin aanay jirin dadka kale waxa xoriyadoodu noqonkartaa mid dulman.
Sidoo kale waxa uu xukuumada kulmiye usoo jeediyey in saxaafada xoriyadooda loo daayo.
“waxaanu idinka codsanaynaa in saxaafada xoriyadooda loo daayo la.ogolaado inay wax dhaliilaan, wax kasta oo saxaafadu sheegto ma noqon karaan waxa wanaagsan, laakiin Saxafigu inuu kaa sheego waxa xun kuma mutaysan karo xadhig iyo inaad saarto cadaadis aargoosi laakiin haduu ku dhaliilo ama ku maago xaq ayaa uu uleeyahay sharciga aynu samaysanay ayaa sidaas dhigay intaas waxa ii dheer oon usoo jeedinayaa xukuumada in ay xoriyadoodii usoo celiso afartaas wariye ee ka tirsan saxaafada madaxbanaan ee sifada sharci darada ah ku xidhan mudada toddobaadka ah waxaanu leenahay waa in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyaa xoriyadoodii. Ayaa ka mid ahaa hadalka Gudoomiyaha HRC
Guleed Axmed Jaamac waxa intaasi ku daray inaanay jirin Iddaacaddo dadku furan karaan Somaliland inkasta oo Dastuurku Ogolyahay
“somaliland sidaad ogtiin kama jiraan Radio madaxbanaan dhibaatooyinka jira ayey ka mid tahay Arintaasi ,lagamana ogola in ay xukuumaddu sidaas samayso may ahayn. dastuurka somaliland waa uu damaanad qaadayaa in laga sameeyo waxa kasta oo Warbaahin ah Dalka, taasina waxa ay ka kowtahay walaaca xoogan ee aanu ka qabno dhinaca xoriyada saxaafadda somaliland oo tacdi badan la kulanta.”
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iisaanka ee Somaliland ka hawl gasha oo hadalkiisa sii wata waxa uu Xukumadda ku booriyay inay u Ogolaato Xisbiyada Mucaaradka ah Mudaharaadada Salmiga ah ee ay ku baaqaan.
“Dhibaatooyinka ugu waawayn ee Ayaan darada ah ee ay ku dhaqanto xukuumada marba talada dalka hayso waxaa ka mid ah mudaharaadada ay xukuumada doonayso mooyaane mid kale inaanu ka dhicin dalka, waana ay diidaa, iyadoo ku sababaysa arin Amni daro ah. waxaanu ognahay in arinta banaanbaxu tahay arin dastuurka qaranka Somaliland uu fasaxayo in la mudaharaado markaas waxaanu xukuumada usoo jeedin lahayn inay ogolaato banaanbax salmiga ah ee ay samaynayaan xisbiyada mucaaradku.” Ayuu yidhi Gudoomiye Guuleed Axmed Jaamac.
Ururka Human Rights Center(HRC) oo warbixintiisa sii wada waxa uu sheegay in Ciidanka RRU cabasha badan dadku ka muujiyeen islamarkaana uu yahay mid sharciga iyo dastuurka dalka ku tunta.
“Ciidanka la yidhaa RRU dacwadaha naga soo gaadhaya dadku waxay sheegayaan in ay ciidankaas sida gaar ah utababarani, aanay dadka ula dhaqmin sida ay Ciidanka booliska kale udhaqmaan. waxaanu haynaa wakhti saqdhexe ah in ay guryaha dadka udaataan iyagoon raacin Sharciga uyaal dawladda. Annagu waxaanu aqoonsanay ciidanka layidhaa RRU in ay yihiin unug dadka si sharciga ka koraysa ula dhaqma kuna tunta sharciga ay boolisku lahaayeen.” Ayuu yidhi Guuleed Axmed
Hana Cabdisalaan Maxamed oo ka mid ah madaxda Ururka Human Rights Center ayaa iyana sheegtay in Cilaaj-yada lagu dabiibo dadka ay yihiin kuwa sababa khataro ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha. Waxay sheegtay inaanay jirin cid daba gal ku samaysa.
“Waxa jirta xuquuq asaasi ah oo qofkasta uu xaq uleeyahay taasi oo ah caafimaadka oo xukuumaduna ay aad iskaga indho-tirayaan waxa jira Cilaaj-yo wadanka somaliland imika si xawli ah ugu soo batay kuwaas oo aan war loo hayn inta ay ka kooban yihiin. Waxaanu ka Ogaanay Cilaaj-yo aanu tagnay in dadka ugu badan ee ku jiraa yihiin dhalin yaro da’doodu u dhaxayso 17 jir ilaa 30 jir, kuwaasi oo aan la ogayn inay ku haboontay in la keeno iyo in kale marar badana waxaa dhacda in Xanuunka ay ku sii siyaadiyaan Cilaaj-yadaasi.” Ayay tidhi Hana Cabdisalaan.
Warbixinta dhinac-yada badan taabanaysa ee Ururka Human Rights Center ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalinta barri ah laga xusay Dunida maalinta Xuquuqal Iisaanka Dunida.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com