Mid ka Mid ah Tiirarka Fanka oo Hargaysa Ku Geeriyooday laguna aasay
Hargaysa 17.Oct 2014 (SDN/QJ)-Alle ha u naxariiste Fanaankii weyna ee Ruug cadaaga Cabdilaahi Axmed Xirsi (Cabdilaahi Wigic) ayaa la aasay, kadib markii uu Shalay ku geeriyooday aqalkiisa oo ku yaala Xaafadda Axmed Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdilaaahi Wigic waxa uu ahaa Mullaxan,Heesa aad u cod macan iyo Weliba Abwaan curiya midhaha Heesaha waxaanu ka mid ahaa foollaadka fanka Soomaalida oo uu kaga jirey kaalin libaax leh,
- Alle ha u Naxariistee Fanaan Wigic oo uu Waraysanayo Weriye Seerbiya
Marxuum Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic), waxa uu markii u horaysay fanka ku soo biiray sannadihii todobaatameeyadii, xilligaas oo uu fannaanku uu ka soo kicitimay dalka Jibouti, waxaanu markii u horaysay ku soo shaac baxay tartankii heesaha Hirgalay ee la qabtay sannadahaa Todobaatannadkii, waxaanu Fannaanku ka mid ahaa kooxdii fanka ee caanka ahayd ee Hobaladda Waabari, isaga oo immikana ka mid ahaa kooxda fanka ee ciidamadda booliska ee Somaliland ee Goodir.
Marxuun Wigic Wuxuu ahaa Heesaa Cod Macaan Heesaha uu qaado waxaa ugu Caansan (doon-doonistaadii gudcur dama habeenkii intaan dalawyo jiidhay ilaan kaama daalee daymadaan ku eegaba sida ul iyo diirkeed dahab ii ahaataye nacab yuu ina kala dilin )
2 haydaaline dan sheego hadii kale nafsigu aduu kugu dambayn
3 Sonkiyo salaaduba midna yeydan seegin iyo sugaan kale Kuwaas oo laga wada helayo Xarunta Kaydka ee Radio Hargeysa
Marxuum Cabdilaahi Axmed Xirsi (Wigic), oo u dhintay xanuun kadiso ah oo ku soo booday, Bahda Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com meelkasta oo ay joogaan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan bahda fanaaniinta Somaliland, waxaanay ILAAHAY uga baryayaan Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin……..Aamiin