Mid ka Mid ah Telefishanada Imaaraadka oo Barnaamij Socday Lix Saacadood Ku Uruuriyey 45 Milyan oo Dollar oo Loogu deeqay Somalia
Dubai 23. April 2017 (SDN/QJ):- Telefishanada dalka Imaaraadka Carabta ayaa sameeyey barnaamij lix saacadood socday kaasoo loogu magacdarey Somalia for You.
Barnaamijkan ayaa loogu ururiyey dadka abaartu saameysey ee Soomaaliya lacag gaareysa 165 Milyan oo dirham oo dhiganta 45 Miyan oo dollarka Maraykanka ah.
Ganacsato iyo maalqabeeno u dhashay dalkaas ayaa si toos ah qadka u soo galayey, iyagoo ku yaboohayey lacago kala duwan, waxaana lacagta ugu badan ku deeqay Mohammed Bin Rashid Humanitarian Foundation oo bixiyey 3 Milyan oo Dirham.
Lacagahan waxaa lagu wareejiyey heyadda bisha cas ee dalka Imaaraatka Carabta si ay gurmadka loo baahan yahay ugu soo gaarsiiyo dadka ku tabaaleysan Somalia.
Dhinaca kale Sharikadda Dayuuradaha ee Itixaad Airweys ayaa ku dhawaaqday in Tikidhada ay qabaneyso 2017 mid kasta oo ka mid ah hal dirham looga jari doono abaarta Soomaaliya si loogu badbaadiyo dadka Muslimiinta ah ee ku dhibaateysan Soomaaliya.