|

Mid Ka Mid ah Salaadiinta Gobolka Daad Madheedh oo Dhaleecayn Xoogan u Soo Jeediyey Wasiirka Warfaafinta & Badhasaabka Gobolkaas,Kana Hadlay Arrimaha Sahaminta Shiidaalka DAAWO

Oodweyne 01. April 2017 (SDN/QJ):- Suldaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Good oo ka mid ah madax-dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Daadmadheedh, ayaa ka hadlay murano isfaham waa oo muddooyinkii dambe gobalkaasi ka taagnaa kaasi oo salka ku hayey shidaal baadhis ay dawladdu dooneysay in ay ka sahamiso dhulkaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay isla mar ahaantaana uu si cad u sheegay in shacabka deegaankaasi aanay diidaneyn in shidaal laga baadho gobalkaasi balse uu jiro ifhamwaa u dhaxeeya Xukuumadda iyo shacabka deegaankaas.

Suldaanku, waxa sida oo kale uu tilmaamay in shacabka Gobalkaasi ay qabaan tabashooyin aad u badan isla mar ahaantaana aanay soo gaadhin wax wax-qabad ah oo Xukuumaddu ay ka fulisay deegaanaddaasi isaga oo ay carabka ku dhuftay in ay jiraan mashaariic fara badan oo Madaxweynahu gacantiisa ku dhagax dhigay balse aan mid keliya laga fulinin deegaanka gobalka Daadmadheedh.

 

Suldaan Cabdiraxmaan, waxa sida oo kale uu ka hadlay uu dhalliilo xooggan u soo jeediyey wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo weli ba sida oo kael badhasaabka gobalkaasi oo uu sheegay in aanay ahayn dad munaasib ku ah in ay dadka deegaankaas kala hadlaan arrinta shidaal baadhista isaga oo sida oo kale tilmamaay in wasiir Caddaani uu sababay in calanka KULMIYE lagu gubo magaalada Oodweyne ee gobalka Daadmadheedh.

Comments are closed