Mid ka mid ah Safiirrada Somalia U Fadhiya Dalalka Yurub Oo ay Dul Hoganayso Fadeexad uu Fiisayaal Ku Iibsaday iyo Baaq loo Jeediyey Dawladda
Geneva:June,03,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya warar ceeb ku ah sumcadda iyo karaamada Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud oo la xidhiidha Fiiyaal si gaar ah loo iibsaday, isada ay qorayaa warbaahinta reer Galbeedku.
Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Switzerland Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) ayaa lagu eedeeyey inuu lug weyn ku lee yahay arrimo la xidhiidha fiisooyin la kala iibsaday, waxaana eedeeynta Yuusuf lagu xusay in fiisooyin loogu talogalay in ay dalkaasi ku yimaadaan Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya qaab aan sharci aheyn looga iibsaday shaqsiyaad caadi ah, oo markii ay waddankaasi soo galeenna uga sii gudbay dalal kale oo Yurub ka tirsan.
Warbixinta ay qoreen Wargeysyada waxaa lagu xusay in dadka la soo tahriibiyey in fiisooyinka laga siistay lacag dhan ($15,000) middiiba, waxaana dowladda waddankaasi ay ka codsatay dowladda Soomaaliya in arrimahaasi ay baadhitaan ku sameyso, haddii lagu caddeeyo safiirka inuu ku lug lee yahayna laga qaado xasaanada, si loo maxkamadeeyo.
Waxaa kaloo lagu xusay warbixinadda in dowladda Switzerland ay u diiday dal ku gal Wasiirada Wasaaradaha Shaqadda & Ganacsiga oo shir ka dhacaya Geneva {29 bisha May ilaa 12-ka bisha June} lagu waday in ay ka qeybgalaan, sababaha loogu diidayna ay la xidhiidho in la musuq-maasuqo fiisooyinkaas.
Xubin ka tirsan Wasaaradda shaqadda oo ka hadlayey eedeynta loo jeediyey Baribari waxa uu yidhi: “Haddii dowladdu ay shirkaasi kaga qeybgeli weyso musuq-maasuq lagu eedeynayo Yuusuf baribari waa fadeexad, wasaaradda arrimaha dibedda-na waa in ay arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan baadhitaan ugu sameysaa”.
Marka la soo hadal qaado arrinta ku saabsan kala iibsashada fiisooyinka waxaa xusid mudan in Yuusuf Baribari oo keliya aanu aheyn safiirada lagu eedeeyo iibsashada fiisooyinka, balse inta badan safiirrada waddamada yurub u fadhiya Dawladda Somalia ay arrintan lug ku leeyihiin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com