Mid Ka Mid Ah Ragga Ugu Taajirsan Dunida Oo Ballanqaaday In Aanu Badi Maalkiisa Uga Tagi Doonin Caruurtiisa, Sababtu Maxay Tahay?
Hargaysa 31.October 2016 (SDN/QJ):- Ninka lagu magacaabo Bill Gates oo ah mulkiilaha shirkadda samaysa softweerka kumbiyuutaradu ku shaqeeyaan ee Microsoft ayaa dhawaan sheegay war ay aad ula yaabaan dhamaan shacbiweynaha dunidan ku nooli kaasi oo ahaa in aanu inta badan maalkiisa uga tagi doonin caruurtiisa marka uu geeriyoodo, ninkan da’diisu tahay 69 jirka ayaa waraysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Maraykanka waxa uu sheegay in lacagta badan ee uu haystaa aanay badali doonin Qaan nololeedka mustaqbal ee caruurtiisa, ninkan oo la sheego in yahay ninka aduunka ugu taajirsan lacagtiisana lagu qaiyaasay 74 Billion oo Gini ayaa waxa uu dhawaan ku wareejiyay qaybta samafalka ee shirkadiisa lacag gaadhaysa 30 Bilion oo Gini taasi oo uu ugu talo galay in ay ku caawiso dadka baahiyaha nololeed qaba ee ku nool dalka Maraykanka iyo dunidaba, sidoo kale wuxuu sheegay in inta ka dhiman intan uu ku deeqay uu iyadana u bixin doono sidan oo kale inta aanu geeriyoon.
Bill Gates oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay in uu qayb aad u yar oo maalkiisa ah uu uga tagi doono caruurtiisa maadaama buu yidhi aanan doonayn in lacagtaa badani aanay noloshooda ka qasin, wuxuu kaloo sheegay in uu caruurtiisa ku tababaray, doonayana in ay iyaguna samaystaan dariiqa noloshooda ee cusub, Bill Gates oo ay weheliso xaaskiisa Melinda oo da’deeduu tahay 52 jir ayaa intaa ku daray in ay caruurtiisu ku qanacsan yihiin go’aanka ay qaateen labadooda waalid kaas oo ah in badi lacagtooda ugu deeqaan horumarinta nolosha dadka aduunka ugu saboolsan.
Maalqabeenkan ayaa waxa uu sheegyay in wax ka yar 10 Billion oo Ginni uu uga tagi doono caruurtiisa ka dib marka uu geeriyoodo balse waxa ka soo hadhay maalkiisa uu ku bixin doono samafalka iyo ku daryeelida dadka saboolka ah ee ku nool kownkan, arrinka kale ee isna cajiibka ahi waxa weeyaan in Bill uu sheegay in caruurtiisu xataa aanay ka qayb qaadan karin shaqada qaybta samafalka ee shirlkadiisa.
Bill ayaa waxa la sheegay in uu caruurtiisu kula dardaarmay in ay aqoonta ku dedaalaan halka qaybta yar ee ka soo hadhay maalkiisana uu iyaga ku wareejin doono si buu yidhi ay ugu maamushaan horumarinnta xirfadooda nololeed ee ay iyagu samaysteen, waxaana uu ka digay waalidiintu in ay maalkooda ku sii wada daayaan caruurtooda taasi oo uu ku sheegay in ay ka dhigayso kuwo fadhiidiin ah oo aanan waxba qabsan karin maamulana Karin noloshooda danbe, ninkan ayaa waxa uu leeyahay saddex caruur ah oo kala ah .
Jennifer oo , 20 jir ah, Rory oo 17 jir ah, iyo Phoebe oo 14 sano jir ah. Rory and Phoebe waxay la nool yihiin Aabohood iyo Hooyadood gobolka Seatle waxaaanay dhigtaan iskuulka balse Jennifer oo gabadh ahi waxay dhigataa sanadkii labaad ee jaamacada Stanford ee gobolka California halkaas oo aabaheed ugu deeqay jaamacadda in loo dhiso laab kumbiyuutar oo qiimahiisu ahaa 5 Million oo Ginni.