|

Mid ka Mid ah Odayaasha Waaweyn ee Somaliland oo Shil baabuur ku Geeriyooday iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u diray

Hargaysa 10.May (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga reer Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum MAXAMED XUSEEN NAALEEYE (GOOD ABEES)  oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay tuulada lafa-ruug ee u dhacaysa Berbera iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu marxuumka ku tilmaamay oday Qaran oo ka baxay bulshada Somaliland gaar ahaana gobolka togdheer oo uu ka mid ahaa tiirarka gobolka togdheer, tusaale fiicana u ahaa dhalinta iyo waxgaradka gobolka togdheer iyo guud ahaan dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee Good abees wuxuu kamid ahaa Odayaasha Tirada yar ee ka sii noolaa Raggii Burco muddada  60ka sanno ka badan ku noolaa, kana soo qaybqaatay horumarinteeda dhinaca bulshada, waxanu ka mid ahaa ciyaartoyadii ugu horeeyey ee Gobolku yeesho, isagoo ka mid ahaa ciyaartoyadii guulaha badan u soo hoyn jirtey Gobolka Togdheer , Sidoo kale wuxuu Marxumku odayasha laga waraysto Taariikhda Magaalada Burco, una soo joogay wax badan.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Xafiiska  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed