|

Mid Ka Mid ah Jaamacadihii uu Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Ruqsada Kala Noqday oo Ganafka Ku dhufatay Go’aankii Wasaaradda Waxbarashadda DAAWO

Burco 12. April 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maalintii doraad uu Shaaciyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane inuu ruqsadii kala noqdeen Sadex Jaamacadood oo ka furan Magaalooyinka Hargaysa iyo Burco.

Guddoomiyaha jaamacada Togdheer Internation University oo ka mid ahayd 3 jaamacadood oo ay wasaarada waxbarashada Somaliland kala noqotay rukhsadii shaqo ayaa sheegay inaanay u hogaasami doonin go’aanka wasaarada isaga oo ku doodaya inayna jirin wax baadhis tayo ah oo lagu sameeyey jaamacadiisa.

Somaliland waxa ka furan in ka badan 18 jaamacadood oo badankooda laga keeno dood ku aadan tayadooda.

Comments are closed