Mid Ka Mid ah Foolaadkii Fanka Jamhuuriyadda Jabuuti & Xusuus Reeb Xiiso Leh Waa Aamina Faarax Wabar DAAWO
Hargaysa 05. September 2017 (SDN/QJ):- Fannaanada Aamina Faarax Wabar dadka qaarna u yaqaanaan Aamina Gacan La’a Waxay ka mid tahay Hoboladii Shamaca u shiday Fanka Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Waa Heesaa Sidoo Kalena Waa Jilaa Masraxeed.
Aamina Faarax Wabar Waa Fannaanad Cod halaasi ah ilaahay siiyay Waxaa Kale oo ay si Xarago leh u qaadaa Heesihii Hore ee Qaraamiga Sida Laac, Aroor,Isku Shuban,Raaxeeye Iyo Wixii la hal maala.
Aamina Faarax Wabar waxay haatan ku Sugan Tahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa Weriye Abiib Iimaan Xasan oo ka tirsan Telefishanka Qaranka ayaa Xogwaran dhinacyo Badan leh la Yeeshay Fannaanadda.