|

Mid ka Mid ah Eedaysanayaashii Dilay Fannaanadii Saado Cali Warsame oo ka Warbixiyay Sidii ay u Fuliyeen Falkaas Jariimada ahaa DAAWO

Muqdisho 15.Dec 2014 (SDN/QJ)- Sannadkan Gabaabsiga sii ah iyo Maalmahan Is Gurayaa Waxay bulshada ku hadasha Afka Somaliga ugu Suntanayd dhacdooyin Xanuun badan oo soo Maray,Dilka Biri magaydada ah ee lagula kaco dadka aan waxba galabsan iyo Hormoodka ummadu ku dhiirato intuba waa Cudurada Geyigan ku faafay ilaa iyo haatana aanay Jirin Gacan dawladeed oo Wax ka qabashadeeda u banbaxday.

Waxaa Sannadkan Magaalada Muqdisho lagu dilay Hoboladii Kooxdii Waaberi ahaydna Xildhibaan ka Tirsan Golaha Baarlamanka Somalia Waa Marxuumad Saado Cali Warsame Waxaanu HalkanĀ  idiinku soo gudbinayna waraysi lala yeeshay mid ka mid ah raggii dilay fannaanadii caanka ahayd ee Saado Cali Warsame iyo qaabka ay u fuliyeen dilkeeda.

Hadaba halkan ka daawo dhacdada oo xambaarsan murugo iyo tiiraanyo.

Comments are closed