Mid ka Mid ah Aktaradii Filimada Hindiga ee aadka loo Xiiseeyo oo Geeriyooday
Mumbai 28. April 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Shalay Galab  geeriyooday aktarkii weynaa ee Vinod Khana oo ku caan baxay aflaamta hindiga kaasoo Soomaalidu u taqiinay (Mastaana).
Vinod Khana oo 70 jir ahaa ayaa waxaa geeridiisa xaqiijiyey xubno ka tirsan aheladiisa, waxayna wararku sheegayaan in aktarkan uu u geeriyooday kansar kaga dhacay kaadi heysta oo mudooyinkan uu la ildarnaa.
Aktarkan oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamanka wadanka India ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Mumbai ee wadanka India.
Vinod Khana ayaa wax ka jilay ku dhowaad 150 filim oo qaarkood ilaa hadda si weyn loo jecel yahay kuwaasoo isugu jira jaceyl iyo dagaal, waxaana ka mid ahaa Dayavan, Qurbani, C.i.d, Mere apne, Muqaddar ka Sikandar, iyo qaar kale oo badan.
Aas Balaadhan oo loo sameeyay ayaa waxaa ka soo qayb galay tacsidiisa qaar ka mid ah jilaayasha Bollywood-ka sida Amitabh Bachchan, Abhishek Bachchan, Rishi Kapoor, Subhash Ghai, Randeep Hooda, Jackie Shroff, Arjun Rampal iyo kuwo kale.