|

Meyka Wiilkii Curad Ra’isal Wasaare Odinga Oo Laga Helay Sariirtiisii Iyo Baadhitaano Lagu Hayo Sababta Dhimashadiisa

Nairobi:Jan,05,2015(SDN/QJ)-Dalka Kenya wax aka dhacday Geeri dadka Badankiisu ka naxeen kadib markii lagu warhelay Meydka Wiilkii curad ee Ra’isal wasaarihii hore ee dalkaasi Raila Odinga oo ku geeriyooday Sariirtiisa.

firMeydka Wiilkan oo la odhan jirey Fidel Odinga, ayaa lagu warhelay isagoo ku dhintay Sariirtiisa dusheeda xilli aan lagu ogayn wax xanuun ah, waxana ay arrintaasi dhacday Habeen hore saacadihii dambe.

Wiilka ayaa la sheegayaa inuu caafimaad qab ku seexday, isla-markaana aan lagu ogayn wax xanuun, balse subaxnimadii shalay la ogaaday inuu geeriyooday.

Ciidamada Bilayska, ayaa wali baadhaya dhimashadiisa xili dadka qaar ay muujinayaan iney dhici karto in la sumeyay, waxaana sidoo kale la filayaa in baadhitaano lagu sameyn doono Meydka Fidel si loo cadeeyo dhimashadiisa.

Dhanka kale Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenyatta, ayaa wax yar ka hor fariin tacsi ah u diray Ra’iisal wasaarihii hore ee Kenya Odinga iyo qoyskiisa, isagoona uga tacsiyeeyay geerida wiilkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dareen qoto dheer oo khasaare, murugo iyo naxdin uu dareemay markii uu maqlay dhimashada wiilka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, isagoona intaas ku daray. Fidel in uu ahaa nin dhallinyaro ah oo lahaa yididiilo fiican, isla markaasna kaalin ka qaatay dhismaha Kenya wuxuuna sheegay in dadka kenyanka ah oo dhan ay tabi doonaan.

Waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida wiilkii uu dhalay Raila Odinga hogaamiyayaal kale oo Kenyan ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee kenya Kalonzo Musyoka, Gudoomiyaha ururka ODM John Mbadi, Hogaamiyaha ururka UDF Musalia Mudavadi iyo madax kale oo caan ka ah wadankaan kenya.

Fidal Odinga oo Habeen hore geeriyooday ayaa warbaahinta kenya qaarkood waxey  qoreen in xiligii ugu dambeysay uu saaxiibadiisa kula sugnaa hotelka Sankara ee ku yaalla xaafada Westlands ee magaalada Nairobi isla markaasna ay cabitaano wada qaateen.

Tom Alila oo ka mid ahaa saaxiibadii uu cabitaanka kula qaatay hotelka Sankara, ayaa sheegay in Fidel uu ka cabanaayay calool xanuun, waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in Fidel uu kahor Geeridiisa tagay gurigiisa abaaroo 1-dii habeenimo isla markaasna ay guriga ku sugneyd xaaskiisa.

Fidel ayaa wuxuu ahaa wiilka ugu weyn caruurta uu dhalay Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya, wuxuuna sidoo kale ahaa rajada ugu weyn ee uu lahaa Raila Odinga oo aheyd inuu kala wareegi doono xilalka uu hayo isla markaasna qaban doono jagada ugu sareysa wadanka Kenya, iyadoona dadka indho indheeyo arrimaha siyaasada Kenya-na ay sheegeen in Raila Odinga uu hore ugu tababaray Fidel qaabkii maamulka u wadi lahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed