|

Meydka Wariye Maxamed Ibraahim Raage Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Muqdisho April 22 2013 (SDN)— Allaha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Wariye Maxamed Ibraahin Raage oo kamid ahaa Wariyeyaasha ka shaqeeya raadiyaha Dowladda.

Aaska Marxuumka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Abaaydhaxan oo ah duleedka Degmada Wadajir ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada warfaafinta Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan iyo sidoo kale bahda warbaahinta.

Agaasimaha Raadiyaha Dowladda C/raxiin Ciise Cadoow oo la hadlay warbaahinta aaska kadib ayaa ka tacisyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Ibraahin Raage,isaga oo dhamaan bahda saxaafada iyo ehelkiisa tacsi udiray.

C/raxiin Ciise Cadoow ayaa sheegay in gacan ka xaqdaran ay dishay marxuumka aaqirana Allah uu la xisaabtami doono qofkii dilay.

Shalay gabal dhici ayaa kooxo hubaysan waxa ay ku toogteen Degmada Dharkeynley ee Gobalka Banaadir xilli uu Marxuum Wariye Maxamed Ibraahin Raage uu fadhiyay ilinka hore ee gurigiisa.

Dhawaan wuxuu wariyaha kasoo noqday dalka Uganda waxaana uu kamid ahaa wariyeyaal ka cararay Magaalada Muqdisho markii dilalka suxufiyiinta ay soo bateen.

Maxamed Ibraahin Raage ayaa kamid ahaa 2009 tiro wariyeyaal ah oo ku dhawaaqay inay shaqadii joojiyeen markii dilalka suxufiyiinta ay udulqaadan waayeen.

Comments are closed