|

Meydka Sheekh Hore Ciidanka Kenya u Kaxaysteen Oo Laga Helay Goob Biyo Mareen ah Oo Mombassa ku Taalla

Mombassa:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Magaalo-xeebeedda Kenya ee Mombassa, ayaa waxa laga helay Meydka wadaad muslim ah oo la sheegay in hore ay ciidanka Boolisku u kaxaysteen.

myoWadaadka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Qeyr ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay goob biyo badan fadhiyaan oo ku taala deegaanka Embu oo 150 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wadaadka ayaa ciidamada Kenya ka xidheen magaalada Gaarisa, oo 367 km dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Nairobi, maalintii khamiista ee lasoo dhaafay.

Qaar kamid ah hogaamiyaasha Muslimiinta magaalada Gaarisa ayaa sheegay in wadaadkaasi ay beegsadeen waxay ku sheegeen ciidamada ka hortaga argagixisada oo ka tirsan ciidamada booliska kenya.

Dowlada Kenya iyo saraakiisha ciidanka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin wadaadkaasi meydkiisa laga helay duleedka deegaanka Embu ee dalka kenya.

Bishii November afarteedii, wadaad muslim ah oo lagu magacaabayay Saalim Bakari Mwarangi, ayaa lagu dilay magaalada Mombasa ee dalka kenya.

Wadaadkaasi ayaa lala xidhiidhay ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyay inuu dhalinyarada uga qorayay magaalada Mombasa.

Hayada xuquuqda aadanah ayaa ciidamada booliska dalka kenya ku eedeeyay inay ka dambeeyaan beegsiga wadaadada muslimiinta ee dalka kenya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed