|

Meydka Sarkaal Kenyan Muslim ahaa Oo Shabaabku Kusoo Bandhigeen Gudaha Dalka Somalia

Bardhere:April,26,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Ururka Al-shabaab, ayaa Baahiyey muuqaalka Meydka Sarkaal Keynan ahaa oo ka Barbar dagaallamayey, kaas oo aan la caddaynin sababta geeridiisa.

meyeSarkaalkan Meydkiisa lasoo bandhigay, ayaa Magaciisa lagu sheegay Ramsi, waxana Muuqaalka kasoo muuqday Afhayeenka Kooxda Sheekh Cali Dheere oo Tacsiyadaynaya Sarkaalka Saaxiibkood ahaa ee Geeriyooday.

Muuqaalkan oo soconaya ilaa lix daqiiqo ayaa ugu horeyn la arkayaa, Sarkaalkan oo qori AK47 wata, isla markaana dhex lugeynaya meel xero ah oo ay ku sugan yihiin tiro ka mid ah dagaalyahanada Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in Hogaamiyahan lagu magacaabo Ramzi uu u soo haajiray sidii uu Diinta u koryeeli lahaa, waxaana la arkayaa isagoo sujuudiisa dhukanaya.

“Hogaamiyaheena Ramzi wuxuu halkan u soo hijrooday sidii uu Diinta u kor-yeeli lahaa, shahaadadiisa Alle haka aqbalo”ayuu yidhi Cali Dheere oo u tacsiyadeynaya dagaalyahanada Ajnabiga ah ee ka bar bar dagaalama Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa ka soo jeeda Gobolka Xeebta ee Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa, waxaana muuqaalkan lagu soo beegay, iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysato gudaha Kenya.

 

Tiro badan oo dhalinyaro Kenyan ah ayaa ku biiray Al-Shabaab, si ay uga bar bar dagaalamaan, waxaana la sheegay inay aad u korortay tirada Kenyanka ee ku biiraya Shabaab.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed