Meydka Nin Lagu Dilay Hargeysa Oo La Helay Iyo Booliska Oo Baadhaya
Hargaysa 09.June 2016 (SDN/QJ):- Alle ha u Naxariistii Waxa Xalay Magaalada Hargeysa lagu dilay Hal Qof oo Rag.
Lama oga Cidda Dilkan geysatay, laakiin Meydka Marxuumkan ayaa Saaka Waaberigii laga helay Agagaarka Silimoogii hore ee Hargeysa ee Degmada 26-ka June.
Meydkan oo Dadweynaha Xaafaddu arkeen isagoo yaalla labada Sakadood dhexdooda, ayaa Dadkii arkay la xidhiidheen Ciidanka Ammaanka, kuwaasi oo Abaarro 7-dii Subaxnimo halkaa ka qaaday.
Ninkan oo Dilkiisa loo adeegsaday Toorey Dhararkeedu ku dhow yahay Dhararka Gacanta, ayaa Dadkii arkay Warbaahinta u sheegeen in Booliisku u yimid isagoo Tooreydu kaga taagan tahay mid ka mid ah Kalyaha, taasoo argagax ku abuurtay Dadkii arkay Meydka Marxuumka.
Ninkan oo Cidda dishay uu Booliisku baadhayo, ayaa la rumaysan yahay in la dilay wixii ka horeeyay Salaaddii Subax ee Khamiista Maanta.