Meydka Afartii Nin ee weeraray Suuqii Westgate Mall oo FBI-da Mareykanka gacanta loo geliyay
Nairobi Feb 08,2014(SDN)- Meyadadkii afartii ruux ee weeraray xaruntii ganacsiga ee Westgate mall ee magaalada Nairobi sanadkii hore ayaa haatan la xaqiijiyay in ay qaateen ciidamada denbi baarista Mareykanka ee FBI-da loo yaqaano.
Xogtan ayaa waxa saxaafada la wadaagay Taliyaha ciidamada Kenya Julius Karangi mar uu u waramay saxaafadadalka Kenya.
Saxaafada Kenya ayaa soo abaabushay kulan loogu kuurgaleyo sidii loo baahiyay weerarkaas oo ay ku dhinteen 67 ruux.
Taliye Karangi ayaa sheegay in ciidamadu ay dileen afartii nin ee weeraray xarunta ganacsiga laba casho ka dib 21kii September.
“Weerarka dabadii 21 September oo aheyd Sabti laba casho ka dibna Isniintii ayaanu dilnay afartoodiiba,meydadkoodana FBIda ayaa qaadatay”ayuu yiri Karangi.
Taliyaha ciidamada Kenya ayaan faahfaahin intaa dheer ka bixin dhacdada iyo meydadka FBIdu qaadatay.
Dawlada Kenya ayaa dhawaan shaacisay dhamaan magacyada ragii weerary Westgate Mall.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com