Meydadka Ciidamada Uganda Oo Dul Sabbaynaya Wabiga Shabeelle
Janaale:Sep,03,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan Saddex Meyd oo katirsan Ciidamada AMISOM, ayaa laga helay Wabiga Shabeelle dushiisa sida ay xaqiijiyeen Dadka Deegaankaasi, waxana ciidamadaasi kamid ahaayeen Kuwii Al-shabaabku ku laayeen Xerada janaale.
Qof kamid ah Dadka ku nool Deegaan lagu magacaabo Gaawirow, oo 5Km u jira Degmada Qoryooley ayaa qaar kamid ah Warbaahinta u sheegay inay shalay Galabtii ku arkeen Meydadka 3 Askari oo Ugaandhees ah Dusha Webiga Shabelle ee mara Deegaankaasi.
Saddexdani Askari ayaa waxa qeyb ka yihiin 50 Askari oo kamid ahaa Ciidankii AMISOM ee ku sugnaa Xerada Janaale ay ku leeyihiin, oo Laba maalmood ka hor ay Al shabaab weerar culus ku qaadeen kuwaasi oo Weerarka kadib la waayay, haddana uu baadi-goobkooda socdo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com