|

Meydad Gubtey oo laga soo saaray rugtii Ganacsiga Westgate Mall oo la sheegay in ay yihiin ragii weerarka geystay

Nairobi Oct 20,2013(SDN)-Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa haatan bil iyo dheeraad ka dib sheegay in laba meyd oo gubtay oo ay ka soo saareen burburkii Westgate Mall ay dhici kareyso in ay yihiin laba ka mida ragii weerar ka qaaday.

Haraaga labadan meyd oo buuxiyay laba sanduuq ayaa waxa barbar yiilay laba qori oo nooca AK-47 ka loo yaqaano.

mid ka mida ciidamada amaanka ee Kenya oo aan dawlada fasax uga heysan in uu arinkan ka warmo ayaa saxaafada  u sheegay in aan la xaqiijin kareyn cida meydadkani ay yihiin ilaa baaritaano la sameeyo.

Ciidamada sirdoonka ee inta badan dalalka reer galbeedka ayaa haatan ku xoonsan meydadkan laga soo saaray burburka haraagii xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa ka walaacsan in qaar ka mida muwaadiniintooda ay weerarka ka qeybqaateen.

Waxaana ilaa haatan la carab dhabay mid ka mida Soomaalida ku noolaa Norway Cabdi Dhuxuloow  uu ka mid ahaa ragii afarta lagu sheegay ee Mall-ka weeraray.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed