|

Mexico oo sheegtay in aaney ku qanacsaneyn raaligelinta Masar ee muwaadiniintoodii lagu laayay saxaraha

Mexico Sept 15,20159SDN/QJ)-Dawlada dalka Mexico ayaa sheegtay in aaney ku qanacsaneyn sharaxaad iyo raali gelin ay dawlada dalka Masar ka bixisay xasuuq ay u geysteen dalxiiseyaal reer Mexico ahaa oo saxraha booqanayay.

Ciidamada dalka Masar ayaa duqeyn ku dilay 12 ka mid ahaa dalxiiseyaasha u dhashay dalka Mexico oo booqanayay saxaraha galbeed ee dalkaasi.

Dawlada Masar ayaa dilkaa raaligeli ka bixisay sheegtayna in ciidamadu ay ku khaldameen ayna moodayeen koox meliisho ah oo halkaa ku dhuumaaleysaneysay.

Ciidamada Masar oo adeegsanayay duyuuradha qumaatiga u kaca ayaa sheegay in dalxiiseyaashu aaney ogolaasho u heysan degaankan ay falaagadu ku dhuumaaleysato.

Dawlada Mexico ayaa dalbaneysa sharaxaad intaa ka badan.

dhacdadan aya aku soo beegmeysa xili dalka Masar ay si weyn u doonayaan in ay dib uGu soo nooleeyaan suuqii dalxuuseyaasha dalkaas oo lacago adagi ay ka soo geli jirtay.

SDN/QJ-Mexico

contact@qurbejoog.com

Comments are closed