Meles Zenawi oo aan ka soo xaadirin Shirka Midawga Africa,maxey tahay sababtu?
Adis Ababa July 17,2012(SDN)-Raiisul wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zanaawi ayaan ka xaadirin shirka madaxda Africa uga socda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya,waxaana loo aaneeyay xaalad caafimaad sababta maqnaashihiisa.
Raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaan intii uu xilka la wareegay sanadii 1991 aan marnaba ka maqnaan kulamada madaxda Africa ee dalkiisu marti geliyo.
Meles Zanaawi oo la filayay in uu faro mid ka mida kulamada madaxda Africa khaasatan mid la xiriira maalgashiyada ayaan ka xaadirin bedelkiisiina waxa shirka furay madaxweynaha Senegal oo sheegay in Meles xanuunsanayo.
Mucaaridka Itoobiya ayaa daabacayay warar la xidhiidha caafimaadka raiisul waraasaha oo ay ku sheegayeen in cudur halis ahi uu ritay raiisul wasaaraha.
Muuqaalkii u danbeeyay ee la arko Meles Zanaawi ayaa ahaa mar uu ka soo baxay TVga dalkaasi,waxaanu u muuqday sida ruux xanuunsanaya.
Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa 2012kii shaaciyay in uu xilka ka degayo sanada 2015ka.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com