|

Meelo Dunida Ka Mid ah Oo Maanta Laga Saadaaliyey Qorrax-madoobaad

 

Egyty:3-Nov-2013(SDN) Sida ay sheegeen Xeel-dheerayaasha Cilmiga Xiddigisku  waxa Maanta meelo ka mid ah Dunida Lagu arki Doonaa Qorrax-madoobaad Ballaadhan.

qorax-madoobaadDr. Ashraf Ladiif Tadaaris oo ku-xeel dheer cilmiga xiddigiska iyo godadka meerayaashu guuraan ayaa saadaaliyey in maanta oo Axad ah uu dhici Doonaa Qorrax-madoobaadkaasi, waxana Lagu Arki Doonaa Meelo  Dunida ka mid ah.

Digtoorka oo madax ka ah waaxda cilmi-falagga ee mac-hadka qaranka ee daraasaadka cilmiga baadhista dabeecadda dhulka iyo cilmi falagga ee dalka Masar ayaa toddobaadkii hore saadaaliyey in qorrax madoobaadkan oo qaabka uu u soconayo uu mucjiso ku tilmaamay uu ku bilaabmi doono qorraxda oo qayb ahaan madoobaata, kadibna uu isu beddeli doono giraan ku meersan qorraxda, iyadoo uu mar kale isu beddeli doono qorraxda oo gebi ahaanba madoobaata,  waxana uu Meelaha Qaar ka jiri Doonaa in ku dhaw Saddex Saac iyo Badh.

Dr. Ashraf waxa uu sheegay in qorrax madoobaadkan oo dabooli doona in ka badan boqolkiiba 50 xaddiga qorraxda, iyadoo  laga arki doono inta badan ee dalalka Carabta, qaybo ka mid ah labada qaaradood ee Ameerika, koonfurta Yurub iyo inta badan ee dalalka Afrika, isaga oo si gaar ah u tilmaamay deegaannada xeebta badweynta Atlantic-ga, koonfurta dalka Ivory coast, dalka Ghana iyo Soomaaliya oo uu sheegay in si fiican looga arki doono saddexda marxaladood ee aynu sheegnay in uu qorrax madoobaadku yeelan doono ama ugu yaraan laba ka mid ah.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed