Meeliishaad dad ku laayay Bariga Nijeria
Ganye Mar 25,2013(SDN)-Shan iyo labaatan qof ayaa ku dhintay weeraro ay dablay hubaysani ku qaadeen Saldhig bilaysku leeyahay iyo banki magaalada Ganye ee ku taala bariga dalka Nayjeeriya.
Wakaalada wararka ee france press ayaa sheegtay, in taliyaha ciidanka Bilayska magaalada Adamawa, Maxamed Ibraahiim uu u sheegay, in shan iyo labaatanka qof ee weeradaa ku dhintay ay ku jireen nin bilays ah iyo nin ahaa siyaasi caan ah.
Masuuliyiin kalena waxa ay sheegeen in weerarka xabsiga magaalada Ganye lala beegsaday ay dablayda weerarka ku soo qaaday xabsiga ka siidaayeen maxaabiis aan tiradoodu intay tahay la cayimin.waxaanay intaa raaciyey inaan la ogayn baanka la weeraray inta lacag ah ee laga qaatay.
Weeraradaa ilaa hadda cidi may sheegan,hase ahaatee masuuliyiinta dalkaasi waxay aaminsan yihiin inay weeraradaa fuliyeen kooxda falaagada ah ee BOKO Xaraam.
SDN-Ganye
contact@somalidiasporanews.com