|

“Meel walibana waxa nooyaala Miino Iyo Walxaha qarxa,maanta meel kasta” Badhasaabka Gobolka Maroodijeex

Hargaysa 27.Dec 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Xaaji-jeeniyare) ayaa Hoggaamiyaha Khaatumo Prof: Cali Khaliid Galaydh ku tilmaamay Shakhsi ka soo hor-jeedda Horumarika iyo Xasilooninadda Somaliland.

JEENIYAREGuddoomiye Jeeni-yare oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyin ka qabsadday xiligii uu hayay xilka Maamulka Gobolka Sool iyo caqabadihii ka hor-yimid.

 

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sool Badhasaab ayaan ka noqday,Taliye Boolis-na waan ka noqday Ilaa Maayar ku xigeen ayaan soo gaadhay,waana Gobol Xasaasi ah. Maanta-na waanu soo nabadaynay,waxaana dhici-jirtay markaan Aroortii soo shaqo-tagayo inaan is idhaa tallow adiga oo nabad-qaba miyaad tagi Xafiiskii , xiliyadaasi way naga soo mareen Gobolka, meel walibana waxa nooyaala Miino Iyo Walxaha qarxa, maanta meel kasta Gobolka waa la lugayn karaa hadda.”

 

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray “Mar ayaa waxa dhici-Jirtay, Aniga oo Xafiiska fadhiya aan odhan-jiray tollow xalay Xafiiska Miino miyaa lagugu xidhay,tallooyin badan Iyo dhabaato ka dib Gobolkii markaanu ka Sifaynay Al Shabaab guul ayuu taagan-yahay. Maanta reer Marood- Jeexna Sifiican ayay Shaqada iila qabtaan.”

Xaaji-jeeniyare waxa uu eedo u jeediyay Prof: Cali Khaliif Galaydh, waxaanu yidhi ”Adeer Odaygaas layidhahado Cali Khaliif Galaydh waa oday taladu ka lun-santahay, Odayaal badan oo talladu ka lunsan tahay ayaa jira oo Qori dable sita oo meel walba ku walaaqaya ayuu Cali Khaliif-na ka mid yahay. Cali Khaliif waxaanu leenahay shaydaanka iska naar Oday Somaliland ayaa tahay Sool Iyo Sanaag- uma Baahna Rabshad, Somaliland-na nabad ayay ku caan- maaashay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Maroodjeex.

Comments are closed