|

“Meel walba waa la cabanayaa waxa la hayo iyo rabitaanka umadda somaliland ayaa kala badan, cabashdii reer Awdal waa la tixgeliyey” Saylici

Washington:Mar,30,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa markii ugu horraysya ka Hadlay Cabashooyinka Gobollada Bariga iyo Galbeedka Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Xukuumaddu diyaar u tahay wax kaqabashada Arrimaha Tabashada Darafyada la xidhiidha.

sayliicMudane Saylici oo u warramay Idaacadda VOA-da, ayaa ugu horrayn ka Hadlay Arrinta Gobollada Bariga iyo  jiritaanka Magaca Khaatumo, waxana uu sheegay inaanu jirin wax khaatumo la yidhaahdaa, balse kaliya Magaca oo kali ahi uu jiro,

“maamulka khaatumo ee abuurmay waa maamul is daba wareeg ah, waxana deegaano badan oo Bariga dalka ah oo markii hore doorasho ka dhicin laakiin maanta ka dhici doonto, maamulkaasina magac ahaan buu u jiraaye ma aha  maamul somaliland saamayn ku leh.” Ayuu yidhi Mudane Saylici.

Cabdiraxmaan Saylici oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shacabka ku hoos Nool meelaha Magaca Khaatumo ka jiraa ay yihiin reer Somaliland, isla-markaana ay diyaar u yihiin turxaan bixinta Tabashadooda, waxana uu yidhi,

“Dadku waa reer Somaliland tabashadooduna way furan tahay diyaarna waanu u nahay imikana meel fiican bay maraysaa, dhegahayaguna way u furan yihiin tabashadooda.”

Waxa kale oo wax laga weydiiyey arrimaha Tabashooyinka Deegaanada Awdal oo uu kasoo jeedo, waxana uu sheegay in wax badan laga qabtay Tabashadii Awdal, isla-markaana kor loo qaaday saamigii ay xukuumadda ku lahaayeen, waxana uu yidhi,

“meel walba waa la cabanayaa waxa la hayo iyo rabitaanka umadda somaliland ayaa kala badan, cabashdii reer Awdal waa la tixgeliyey oo wax badan baa laga qabtay xagga Hay’adaha madaxa bannaan, Genenada, tiradii wasiirrada oo la kordhiyo, Haddii ay wasaarado waaweyni jiraan Wasaaradihii waaweynaa waa la siiyey Reer Awdal.”

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa sheegay in xasillooni darrada ayaamahan kasoo cusboonaanaysa Gobollada Galbeedku aanay ahayn wax sidaas usii buuran, waxana uu tilmaamay inay  arrimahaas wadaan Shakhsiyaad kooban sida uu Hadalka u dhigay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed