“Maygaagle Malaha Xarun Caafimaad, Dadkuna intay Irbadda soo iibsadaan ayuu Dhakhtarku u lugeeyaa uu ku soo mudaa…..” Wasiir Xaglo Toosiye
Maygaale, 26 February, 2016-(SDN/QJ):– Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo Maalmihii u dambeeyay Safar shaqo ku joogay Magaalada Buuhoodle, ayaa booqday deegaanno ay Maygaagle ka mid tahay, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Wasiirka waxa deegaanka Maygaagle ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan Maygaagle iyo Dad kale, kuwaasi oo sheegay inay ku faraxsan yihiin in Wasiirka Caafimaadku kormeer ku sameeyo Xaaladda deegaankooda, iyaga oo dhanka kalena sheegay in Maygaagle ka aradan tahay Adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada oo aanay lahayn Dugsi Waxbarasho iyo Xarun Caafimaad midna.
Khadar oo ka mid ah Waxgaradka Maygaagle oo hadal ka jeediyay soo dhaweynta Wasiirka Caafimaadka ee Maygaagle, ayaa yidhi, “Magaalada Maygaagle, Iskuul malaha oo Iskuulkeedii wuu burbursan yahay, Ciyaalkiina waxay wax noogu dhigtaan Malcaamadda. Maygaagle Malaha Xarun Caafimaad, Dadku intay Irbadda soo iibsadaan, ayuu Dhakhtarku u lugeeyaa uu ku soo mudaa, waxaanu doonaynaa in wax la noo qabto.”
Laakiin, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye oo hadalka uga dambeeyay, ayaa ka hadlay Ahmiyadda Nabadgalyada iyo siday Muhiim u tahay in Dadweynuhu ilaashado, “Waxaanu idiinku Nimid inaydaan Nina ka yeelin inuu Nabadgalyadiina Qaso, waxaanu Dadka Deegaankan Maygaagle ka rabnaa inay ilaashadaan Nabadgalyadooda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigoo shaqsi ah iyo Xukuumadda aan ka tirsanahay waxaanu idiin ballan-qaadeynaa inaanu idinkala shaqeynayno in Nabaddaa aad ku nooshihiin Cidna idinka qasin, Wallaahi Nina ka yeeli maayo inuu baa’biiyo Nabaddaan xidhay.”