Maydka Taliyhii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo dib loogu soo celiyay Muqdisho
Muqdisho 2/11/2014(SDN/QJ)Maydka taliyihii booliska Somalia, Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa maanta dib loogu soo celiyay Muqdisho, kaddib markii Nairobi loogu qaaday baaritaanno la xiriira sababihii deg-degga ahaa ee uu u dhintay.
Ma jirto weli wax war ah oo laga soo saaray sababta keentay geeridiisa, balse warar hoose ayaa sheegaya in dhakhaatiirtii baaray ay sheegeen inuu u dhintay xanuun dhinaca saableyda ah oo kusoo booday.
Shaki ayaa laga muujiyay geerida taliyaha oo neeftu ay ku xiran tahay, ka hor intii uusan ku dhiman isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo sidoo kale geeridiisa loo xiray dad badan oo ay ku jiraan dhakhaatiir.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko, qunsulka safaarada Somalia ee Kenya, Maxamuud Shire iyo xoghayaasha safaarada ayaa garoonka Wilson ee Nairobi kusoo sagootiyay.
Waxaa lgau wadaa in isla maanta lagu aaso Muqdisho taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu u magacaabay taliye KMG ah Jen. Cismaan Cumar Weheliye (Gas-Gas) oo ahaa ku xigeenkii taliyaha geeriyooday.
Muqdisho SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com