Maydhista Gacmahaagu Waxay Faa’iido u leedahay Caafimaadka Maskaxdaada
Hargaysa 18. June 2017 (SDN/QJ):- Daraasado cusub oo lagu sameeyey Dalka Kanada ayaa sheegaya in maydhista gacmahu aanay ahayn oo keliya mid nadaafadda u roon laakiin ay suurogal tahay inay ka caawiso maskaxdu inay iska masaxdo fikradihii gaboobay, dabeetana ay isku habayso fikradaha cusub.
Baadhayaashu waxay daah qaadeen in gacmaha oo laga maydho wasakhdu waxay kordhinaysaa inay maskaxda ka daahiriso fikradihii hore ee ku salaysnaa tijaabooyin hore oo la sameeyey.
Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ka socota Jaamacadda Rotman ee Magaalada toronto ee Dalka kanada waxaa lagu dabogalay raadka ay maydhista gacmuhu u leedahay dhamaystirnaanta caqliga aadamaha.
Baadhayaashu waxay sameeyeen ilaa afar tijaabo iyagoo ka qaybgalayaasha u eegaya ujeedooyin gaar ah, waxana si gaar ah loo tijaabiyey qaybta maskaxda ee Go’aan qaadashada ku shaqada leh, waxaana ka soo baxday in dadkii gacmahooda maydhay ay si wacan diirada u saarayaan waxyaabaha soo socda marka la dhinac dhigo kuwii aan gacmahooda maydhin oo iyaga ay ku qafilan yihiin fikradihii hore.