|

Mayd Laga Helay Duleedka Lawyo-Cadde Iyo Goob Jooge Ka Waramay Marxuumkaasi In Saddex Maalmood Uu Ku Xidhnaa Dhinaca Jabuuti

Lawyo cadde, 29 Sep 2015 (SDN/QJ)-   Nin Maydka ah ayaa shalay laga heley meel shan killo mitir bari ka xigta magaaladda Law-yo cadde ee xaduudda ay wadaagaan Somaliland iyo Jabuuti.

Goob-jooge ku sugnaa Magaaladda Lawyocadde ayaa wargeyska Saxafi u xaqiijiyey maydkan laga helay duleedka Lawyo Cadde, waxaanu sheegay in ninkan inta aanu dhiman  saddex maalmood lagu haystay dhinaca Jabuuti oo lagu xidhay wakhti uu doonayey inuu u gudbo dhinacaasi ka dibna dib loogu soo celiyey dhinaca Somaliland.

Goob joogaha nooga waramayey Maydkan laga helay duleedka Lawyo cadde waxa uu yidhi“Ninkan Maydkiisa laga helay duleedka lawyo-caddo oo illaa shan maalmood uu maydkiisu yaallay meel u jirta shan killomitir dhinaca Bari, waxaana markii ninkaasi sawiro laga soo qaaday gartay hoteelkii uu seexan jiray ninkii hayey oo sheegay in uu maalmo hoteelka deganaa, isla markaana shandadiisii taalo, waxaanu sheegay in dhinaca Jabuuti uu u talaabay oo saddex maalmood uu ku xidhnaa dhinaca Jabuuti ka dibna dib loo soo celiyey, haseyeeshee maydkiisa oo bararay awgeed waxba lagama garan karo inuu nabaro ka soo gaadhay xadhigaasi u geeriyooday iyo in kale, waxaanu baadhnay shandadiisa waxaanan ka helnay Simikaadh mobile oo shirkada hormood ah, waxa kale oo aanu ku aragnay tikidh diyaaradeed oo uu u kala raacay Kismaayo iyo Xamar, waxana magaciisa ku qornaa Maxamed Cabdiraxaan Maxamuud”

Waxa uu goobjoogahaasi sheegay in loo malaynayo inuu ka soo jeeddo goboladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana dadku u aanaynaya inuu doonayey inuu u talaabo dhinaca Jabuuti, haseyeeshee dib loogu soo celiyey saddex maalmood oo uu u xidhnaa ciidankaasi Jabuuti ka dib.

Marxuumkan ayaa da’diisa lagu qiyaasay illaa afartameeyo, cid garatayna ma jirto rsmi ahaan halka uu ka yimid.

Xigasho: Wargeyska Saxafi

 

Comments are closed