|

Maxsuulka ka soo baxay Kulanka Dhexmaray Wasiirradda Arrimaha Guddaha Somaliland Iyo Itoobiya

Addis Ababa 13.Sep 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay dhigiisa Ethiopia Shiferaw Teklemariam, iyagoo wada jir u lafo guray iskaashiga arrimaha ammaanka ee labada dal.

11990688_1627744920823193_8590947730713083055_nKulanka oo dhacay 10-kii bishan ayaa dhexmaray Wasiir Warancadde iyo wasiirka daakhiliga dawladda Federalka ah ee Ethiopia oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo booliska waddankaasi ah, waxaana laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadista tayada iyo agabka booliska Somaliland.

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde iyo dhigiisa Wasiirka arrimaha gudaha federalka Ethiopia Shiferaw Teklemariam, oo ay weheliyeen saraakiil sare oo Booliska ah ayaa dhawaan ku kulmay Addis ababa.

Wasiiradu waxay falanqeeyeen, sidii loo horumarin lahaa tababarada booliska Jamhuuriyadda Somaliland. Dawladda Ethiopia waxay taageero buuxda oo dhinaca agabka iyo qalabka ka hor tagista rabshadaha ah siinaysaa booliska Somaliland.

 

Labada masuul sidoo kale waxay wada lafo gureen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga arrimaha dhinaca ammaanka ee labada dal. Waxaa jiri doona shir balaadhan oo Ethiopia ka dhici doona,kaas oo lagaga hadli doono isku socodka labada dal ee xuduuda, ammaanka iyo tahriibta Somaliland iyo Ethiopia,” ayaa lagu yidhi Qoraalka wasaaradda Daakhiliga.

Comments are closed