|

“Maxkamadu Waxay labadaas danbiile ku xukuntay Dil Qisaas ah” Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag {DHAGAYSO}

Gar adag 18.April (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Cigaal ,Xubno ka Tirsan Bah’da Garsoorka iyo Qaar ka mid ah Qareenada Gobolkaas ayaa maanta soo gabo gabeeyay isla markaana Go’aan ka gaadhay Afar Dacwadood oo laba ka mid ahi yihiin dil,oo Maxkamadu kaga garnaqday degmada Gar adag.

Gudoomiyaha oo khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Qurbejoo.com , ayaa Sheegay in iyagoo ah Maxkamada Wareegta ee Heer Gobol ay Galabta Go’aan rasmi ah ka gaadheen  afar dacwadood oo laba ka mid ahi ay yihiin dil iyo labada Kale oo ah Madani .

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag Aadan Jaamac Cigaal iyo Qareenka Difaacayay danbiilayaasha ay Maxkamadu Xukunka ku riday Cali Siciid Jaamac oo ka hadlaya Xukunka ay Maxkamadu riday halkan ka dhagayso

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xukuno.mp3″]

Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Sanaag iyo Xubnaha kale ee Socdaalkan ku Wehelinaya waxay isla galabta u kicitimeen degmada Ceel Afweyn si ay u soo dhameeyaan dacwado u baahan Go’aan ka gaadhis .

Gar adag SDN.

qurbejoog.com

 

Comments are closed