|

Maxkamadda Sare ee Sucuudiga oo Taageertay Go’aan dil ah oo Lagu Xukumay 14 Eedaysane oo Qoomiyadda Shiicada ah

Riyadh 28. July 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada sare ee Boqorooyada Sucuudiga ayaa taageertay go’aan ay hore maxkamadi dil toogasho ah ugu xukuntay 14 eedaysane oo ka soo jeeda qowmiyada shiicada ee Boqortooyadaasi.

Wargayska Cukaad ee sucuudiga ka soo baxa ayaa khamiistii shalay waxa uu daabacay in maxkamada sare ay aqbashay xukunkii dilka ahaa ee lagu xukumay 14 qof ee shiicada sucuudiga ka mid ah, kuwaas oo lagu eedeeyey arimo la xidhiidha dhanka argagixisada, mana jiro wax war ah oo ay ilaa haatan warbixinta wargayska kaga jawaabeen wasaaradda cadaalada iyo hay’adaha kale ee garsoorka sucuudigu.

Bishan july gudaheeda ayaa sucuudiga lagu deldelay 4 ruux oo shiico ah oo iyana lagu eedeeyey arimo dhanka argagixisada ah, waxana ay xukunada noocan ahi ku soo beegmayaan iyadoo uu sii xumaanayo xidhiidhka Dawladaha Sucuudiga iyo Iran, gaar ahaan waxii ka dambeeyey markii madaxweynaha maraykanku uu Bishii may ee sanadkan booqashada ku yimid Dalka Sucuudiga.

Comments are closed