|

Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xukunno Dilal ah Soo Saartay

Berbera:22-Sep-2013 (SDN)- Guddida Caddaaladda Somaliland ayaa Maalintii shalay Xukunno kala Duwan Ka soo Saartay Maxaabiis ku xidhnay Gobolka Saaxil.

saresareMaxkamadda ayaa xukunno dilal iyo fasaxaad xabsi ka soo saartay maxaabiis xukun-sugayaal ahaa oo Xabsiyada Gobolka Saaxil muddu dheer ku xidhnayd oo sugayey sidii loo xukumi lahaa.

Dhegeysiga dacwadahan, oo uu hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Maxamed Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.ayaa xukuno Dil ah lagu riday laba Eedeysano oo sida uu sheegay Guddoomiyuhu ay ku caddaadeen, Kiisas Dil ah oo ay ka geysteen Gobolka Saaxil.

 

labada eedeysano ayaa mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Axmed Yuusuf Siciid oo dhawaan Tooray ku dilay nin kale oo dhintay. Sidoo kale eedeysanaha kale ee dilka lagu xukumay ayaa la sheegay inuu dilay marxuum Magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed, sida uu Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali fadhiga dhegeysiga dacwadaasi kaga dhawaaqay.

Labada Eedeysane ee waxba lagu waayay ayaanay maxkamaddu magacaabin, balse sida aanu  warar hoose ku helnay wax cadeymo ah lagu waayay ka dib markii Kiisaskooda lagu dhegeystay marxalado kala duwan oo Maxkamaddeed. Xukunka Maxkamadda sare ku dhawaaqday ayaa noqonaya marxalada ugu dambeysa ee dhegeysiga dacwada kala duwan, lamana cadeyn inay eedeysanaayasha Dilka lagu xukumay rafcaan qaateen iyo in kale.

Dhinaca kale sida ay warbaahinta dawladu sheegtay Weftiga Guddida Caddaaladda Somaliland ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Somaliland, waxay kormeer shaqo ku soo mareen Goobaha Cadaaladda ee Gobolka Saaxil, halkaasoo ay warbixino kaga dhegeysteen Masuuliyiinta dawlada u qaabilsan.

 

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo watta xubno ka mid ah Guddida caddaalada, ayaa mar kasta oo uu Gobolada Socdaal shaqo ugu baxow waxa uu  xukunnadooda ku fuliyaa maxaabiiska kiisaska culus loo haysto.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

Comments are closed