Maxkamadda Sare ee Somalia oo Go’aamisay in Muwaadin Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo lagu eedeeyay inuu Been abuuray Magacyada Mas’uuliyiin dawlada ah Xoriyadiisii loo soo Celiyo
Muqdisho 20.July 2015 (SDN/QJ)- Maxkamadda Sare, oo ah hey’adda Garsoor ee dalka ugu sarreysa, waxay go’aan ay soo saartay ku caddeysay in xarigga Cali Cabdi Wardheere (Cali – Yare) uu yahay sharci darro.
Waxay Maxkamaddu amartay in la sii daayo.
Sii haynta Cali Yare sharci ma ahan. Cid kasta oo gacanteeda uu ku sii jirana waxa ay ku kacaysaa waa sharci jebin bareer ah oo lagu dacweyn karo.
Hey’adaha ay khuseyso, markii hore wey la gudbooneyd in ay sharciga dalka maraan oo muwaaddinka ay dembiga ku tuhmeen ay Maxkamad geeyaan, Qareenna u oggolaadaan. Haddii ay Maxkamaddu ciqaab ku xukuntana ay markaas u gudbiyaan hey’adihii fulin lahaa.
Waxay ka doorbidaan in ay xiraan Maxkamad la’aan. Waxay ka doorbideen in ay Idaacadaha tagaan oo ay magacbi’in ku sameeyaan. Waxay ka doorbideen in xuquuqda uu u leeyahay Qareen ay u diidaan. Taas oo xad gudub ah, halisna ku ah xuquuqda muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed.
Hadda waxaan u soo jeedinayaa in ay u hoggaansanaadaan amarka Maxkamadda Sare. Oo Cali – Yare ay sii daayaan. Waxaa kale oo aan rajeynayaa in ay khaladkooda ka bartaan cashar, oo aanay muwaaddin Soomaaliyeed mar dambe sidaas oo kale ugu xad gudbin.