|

Maxkamadda Sare ee Kenya oo Waxba Kama Jiraan ka Soo Qaaday Natiijadii Doorashadii uu Ku Guulaystay Madaxweyne Kenyatta Isla Markaana Amartay in Mudo 60 Cisho ah Lagu Qabto Doorasho Xalaal ah Guusha Mucaaridka & Dooda Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Nairobi 01. September 2017 (SDN/QJ):-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxweynenimada Kenya ee dhacday 8-dii Bishii August ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha maxkamadda sare David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, Iyagoo Qaraarkooda ku amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Inkasta oo mucaaradku sheegay in la jabsaday hanaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay Jimcihii Maanta in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8-dii bishii August ee la soo dhaafay aanay u u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee Kenya waxay Xuseen in Shan Milyan oo cod oo Saamayn ku yeelanayaya Natiijada doorashada in aan si sax ah loo xaqiijin waxaa kale oo ay qaraarkoodan ku sheegeen in Maxkamadu u Saartay Koox Khubaro ah oo baadha qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, Taas oo lagu ogaaday in Tiro dad ah oo aan fasax haysan ay si Khaldan u Isticimaaleen Kombiyuutarada Xogta Codbixiyahaka hor iyo ka dib doorashada.

Madaxa xisbiga mucaaradka Kenya ee NASA, Raila Odinga ayaa sheegay go’aanka maxkamadda ka dib in Xukunkani uu Yahay mid ku cusub Kenya Isla markaana uu yahay Guul u soo hoyatay Shacabka Kenya Waxa uu Raila Odinga Xusay in aanay Wax kalsooni ah ku qabin Guddida doorashooyinku sida ay haatan u dhisan tahay.

Dhanka kalana Garyaqaan Axmed-Naasir Cabdullaahi oo ah qareenkii matalayay madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta ayaa si Kooban Warbaahinta ugu Sheegay in Go’aanka Maxkamadda ay u arkaan mid Siyaasadaysan.

Markii loogu dhawaaqay go’aanka maxkamadda, taageereyaasha mucaaradka ayaa damaashaad ka billaabay bannaanka maxkamadda, iyo deegaannada kale ee ay ku xoog badan yihiin.

Dalka Kenya ayaa noqonaya Dalkii kowaad ee Ku yaala Qaarada Africa ee Maxkamadi ku dhawaaqdo in lagu celiyo doorasho dhacday.

Comments are closed