|

Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Somaliland oo Xukuno Dil Iyo Xadhig ah ku Riday Askari Dilay Marxuun Dhintay & Xubin Gacan siiyay

Hargaysa 04. April 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Xukun  dil Toogasho ah waxa ay ku xukuntay Askari hore uga tirsana Ciidanka Qaranka, Siciid Saleebaan shire, oo 35-jir ah, ka dib markii ay cadaatay inuu  dilay Marxuum Bile Sugule Maxamed.

 

 

Askarigan oo Dilka ku geystay Magaaladda Laascaanood, 20/11/2016-ka ayaa maxakamaddu waxa ay xukunkiisa u Cuskatay Ayaada  45-aad ee  Suuratul Maa’iida iyo Xeerka  434 ee Xeerka Ciqaabta Ciidamada ee Xiliga Nabadgelyada.

 

 

Dhanka kalena  Askari hore Axmed  Saleebaan Shire ayaa maxakamda sare ee Ciidamadu waxa ay ku xukuntay Xabsi dhan 10-sanadood, kadib markii ay ku cadaatay in uu gacan siinaayay gacan ku dhiiglaha.

Comments are closed