|

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex oo Mar Kale Gudo Gashay Dhagaysiga Dacwad loo haysto Mas’uuliyiinta Wargayska Hubsad & Dareenka Daneeyeyaasha Xuquuqul Iinsaanka

Hargaysa 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Maxkamada racfaanka gobolka Maroodi Jeex ayaa bilowdey dhagaysiga kiiska racfaan ah oo ka soo gudbey heerka darajada maxkamada koobaad ee gobolka oo loo haysto masuuliyiinta Wargayska Hubsad oo hore Maxkamada Gobolka ay ugu wayday Eedaymo kala duwan oo ay ku soo Oogtey Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland,balse markii waxba lagu waayay waxa mar kale racfaan ka qaatay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dhagaysiga Dacwada oo Shalay ka bilowdey Maxkamada racfaanka  ayaa waxa Garsoorihii gacanta ku hayay kiisku uu dhagaystey Qareenkii u doodayey masuuliyiinta Wargayska Hubsad iyada oo markii si hufnaan ah loo dhagaystey lagu balamay in maxkamada racfaanka ah ay soo saarto go,aanka kama dambaysta ah ee laga gaadhayo dacwada loo haysto Wargayska Madaxa Banaan ee HUBSAD iyo Masuuliyiintiisa.

 

Dabayaaqadii sanadkii aan ka soo gudubney ayaa waxa ay maxkamada Gobolka soo afjartey dacwada loo haysto Masuuliyiinta Wargayskaasi waxaase go,aankaasi lagu waayey wax dambi ah masuuliyiinta Wargayska ka biyo diidey xeer ilaalint Guud ee Qaranka.

 

Haayadaha kala duwan ee u dooda xuquuqda aadamaha iyo kuwa Saxaafada aya siyaabo kala duwan u cambaareeyey xadhiga Wargayska Hubsad iyo eedaymaha loo soo jeediyey masuuliyiinta Wargayskaasi Gudoomiye C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifatiraha Guud ee Wargayskaasi Siciid Khadar C/laahi.

Comments are closed