|

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo Markii Kowaad Kaaliyeyaal U Xidh-xidhay Facebook Been abuur Ah AKHRI

Hargaysa 09.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ayaa sheegtay inay xabsiga u taxaabtay tiro ka mid ah Kaaliyeyaasha maxkamadaha dalka, kaddib markii looga shakiyay Facebook been abuur ah oo laga been abuurtay guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex Mudane Cali Suudi Diiriye.

garsoore-axmed-dalmar-ismaaciil

Photo:Gudoomiyaha Maxkamada ee Go’aankan soo Saaray

War-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Mudane Axmed Dalmar Ismaaciil oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Shabakadda Qurbejoog, ayaa lagu sheegay in kiiskan loo qabqabtay tiro ka mid ah Kaaliyeyaasha ka hawl-gala maxkamadaha  kala duwan ee dalka, iyadoo Kiiskan ay gacanta ku hayaan Hay’adaha dembi baadhista dalka – sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Haddaba, Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka uu soo saaray guddoomiyaha maxkamada Gobolka M.Jeex;

kaaliyeyaal

Comments are closed