Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun ku fulisay Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya
Muqdisho Feb 21 2013 (SDN)– Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in baaritaano dheer kadib kiiskooda uu cadaaday maanta xukunka lagu fuliyay.
Goobta dilka uu ka dhacaaye ayaa waxaa ku sugnaa taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka iyo masuuliyiin ka socotay maamulka Gobalka Banaadir.
Saddexda askari ee la toogtay ayaa waxaa ku jiray sarkaal labo xidigle ah oo la sheegay inuu horay dil ugeestay.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda ayaa fulisa xukuno kala duwan oo ay ku rido ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee dilalka iyo dambiyada kala duwan geesta.