“Maxkamadaheenu Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan bay noqdeen, dillaaliintaas oo dhan waa la xidhayaa” Gudoomiyaha Maxkamada Sare DAAWO
Hargeysa, 21 Sep 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Maxkamada sare ee somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa ka hadlay qorshayaal ay doonayaan inay dib ugu hagaajiyaan garsoorka dalka, isla markaana ay meesha kaga saarayaan qalooca iyo wax kasta oo wax u dhimaya xaqsoorka guud iyo hawsha ay u hayaan umadda.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo shalay ka hadlay xaflad tababar loogu xidhayay garsoorayal oo ka dhacday Jaamacada Hargeysa wux uu shaaca ka qaaday is bedel ay doonayaan inay ku sameeyaan bahda cadaalada dalka, isla markaana wuxuu xusay waxyaabaha hor taagan is bedelka ay doonayaan. “Waxa jira guddida daba galka iyo baadhida, waxaanay hoos yimadaan guddida cadaalada waana la xoojinayaa guddidaas, waxaana la gaadhsiinayaa heer gobol, anagoo gobol walba gaadhsiin doona, waxaana loogu tala galay in qofku sharcigu ilaaliyo oo qofka sharciga dadka ku ilaalinayaa uu isaguna sharciga ilaaliyo, haddii uu isagu sharciga ku tunto dadka kale sidee ayuu sharciga ugu qabanayaa. waa wax la yaab leh aniguna sharciga ayaan ku tumanayaa, dadkana sharciga ayaan hor istaajinayaa ismana qabanayso , ama waa inaad adiguna sharciga hor istaagto ama waa inaad iskaga tagto, laakiin anigu waxaan doono ayaan samaynayaa talaabada aan doonana waan qaadayaa, cidina ima xisaabinayso, dadkana waa lay hor keenayaa, iyaga oo katiinadaysan, iyaga oo ii cabanaya, markaa sharci meeshaa kama shaqaynayo ee xoog xoog ayaa ka shaqaynaya.” Ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamada sare oo ka turjumayay sida loogu baahan yahay in sharciga loo sinaado oo ka wax xukumaya iyo ka la xukumayaaba ay sharciga u sinaadaan.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee somaliland wuxuu intaa ku daray inay jiraan caqabado badan oo hor yaala isbedelka ay doonayaan inay ku sameeyaan bahda cadaalada, waxaanuu yidhi; “Waxa naga go,an inta awoodayada ah, iyadoo ay jiraan caqabado badan, dhaqanka dadka ayaana ugu horeeya, waxa weeyaan haddii ay dadkii doonayaan inay iyagu laaluush bixiyaan, ka kalena iyaga ayaa laaluushka baraya waanan la dagaalamaynaa. maalin dhaw waxyaalaha aanu hir gelin doono si ay sharaftii iyo karaamadii dib ugu soo kacdo, waxaanu iclaaminaynaa dirayskii ay sadexda qolo lahaayeen, xeer ilaalinta, garsoorayaasha iyo looyaraduba, kuwaas oo maxkamada dirays ku iman doona waana la dhamaynayaa dhawaan.”
Gudoomiye Aadan Xaaji Cali Wuxuu intaa raaciyay in aanuu sharcigu qabanayn oo keliya garsoore ama xeer ilaaliye laaluush qaatay oo keliya, balse uu sidoo kale qaban doono ka shicibka ah ee ay ku cadaato inuu laaluush cadaalad ku doonay. “Waxa kale oo aanu dhawaan shaacin doonaa inaan sharcigu qaban garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyaasha ee bulshadana uu qabanayo oo bulshada laaluushka bixinaysa iyaga laftooda talaabo laga qaadi doono. maxkamadaheenu saylad bay noqdeen, Saylad loo shaqo tago oo dilaaliintu yimaadaan, dilaaliintaas oo dhana waa la xidh xidhayaa.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu. Gudoomiye Aadan xaaji Cali ayaa tan iyo intii jagada maxkamada sare qabtay qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo dib loogu soo celinayo haybaddii garsoorka, meeshana lagaga saaray dheg xumadda iyo naanays xumadda lala xidhiidhiyo. Dad badan oo la socda xaallada garsoorka dalku waxay tilmaamayaan in Aadan Xaaji Cali uu durba hogaamiyay talaabooyin hore loo qaaday oo aad loo soo dhaweeyay, isla markaana loo baahan yahay in lagu taageero qorshaha dib u soo noollaynta garsoor sugan oo sumcad iyo isku halayn leh.