Maxkamada Sare ee Soomaaliya oo sii deysay Wariye Koronto Kiiskiisiina Laashay
Maxkamada sare ee dalka ayaa sii deysay wariye Cabdi Casiis Koronto kadib markii ay dhageysatay kiiskiisa.
Gudoomiyaha maxkamada sare Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa ku dhawaaqay sii deynta wariye koronto, isagoona tilmaamay in dhageysiga kiiska wariye Cabdi Casiis Koronto kadib ay maxkamada sare laashay kiiskii loo heystay wariye Koronto.
Cabdi Casiis Cabdi Nuur Ibraahim “Koronto” oo sii deyntiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sii deyntiisa, isagoona u mahad celiyey dadkii ka qeyb qaatay dadaalkana u galay sii deyntiiisa.
Maxkamada Sare ee gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi ah ku riday Wariye Koronto iyo Haweeney uu wareystay Markii lagu eedeeyay in ay u gafeen sarafta hay’ad ka tirsan hay’addaha dowladda Soomaaliya.
Xukunka Wariye Koronto lagu Riday horay waxaa u canbaareeyay dhamaan hay’addaha u dooda xuquuqul Insaanka kuwaasi oo ku tilmaamay mid aan waa faqsaneyn Sharciga caalamiga ah.