Maxkamada sare ee dalka Masar oo joojisay doorashida Barlamanka dalka Masar
Qaahira March 07 2013 (SDN)— Maxkamadda Sare ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay Doorashadii Barlamaanka dalkaasi oo qorshuhu uu ahaa in ay dhacdo Bisha soo aadan.
Mas’uuliyiinta Maxkmadda Magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar ayaa waxa ay sheegeen in sharciga doorashadaasi ee uu baahiyay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi uu u baahanyhay in dib u eegis lagu sameeyo.
Maxkamadda ayaa sidoo kale tilmaamtay in loo baahanyahay in la qanciyo dhamaan dhinacyda ka qeybgalaya doorashada barlamaaniga ah ee ka dhici doonta dalkaasi.
Mucaaradka dalka Masar ee NSF ayaa ku dhawaaqay in ay qaadacayaan doorashada barlamaniga ah ee dalkaasi la filayo in ay ka dhacday, waxana ay tilmaameen in Madaxweynaha iyo Akhwaanul Muslimiin ay isku balaarinayaan talada dalkaasi.
Dalka Masar ayaa Jahwareer siyaasadeed ku jira tan iyo markii uu Madaxweynaha dalkaasi horay u sheegay in uu awodii oo dhan isagu isisiiyay taasi oo uu markii danbe ka laabtay.
SDN-Qaahira