|

Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo Xukun Dil ah ku riday Gacan ku dhiiglihii Dilka ku fuliyay Taliyaha Booliska ee Arabsiyo

Hargaysa 01.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee jamhuuryada Somaliland ayaa Goor dhawayd Waxay  Xukun Dil ah ku  Riday gacan ku dhiigle Mawliid Maxamed Suudi oo si badheedh ah maalintii shalay u dilay taliyihii Ciidanka booliska ee dagmada arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji cali oo ku magac dheeraa cabdi case kadib markii madaxwaynaha jamhuuryada somaliland mudane siilanyo shalay amar ku bixiyay in sida ugu dhakhsaha badan sharciga loo .

sidoo kale sarkaal sare oo u hadlay ciidanka booliiska ayaa shaaca ka qaaday in maxkamada darajada labaad ee ciidamadu iyana si dhakhso ah u fulin doonto xukunka eedaysane gacan ku dhiigle Mawliid Maxamed Suudi iyagoo raacaya sharciga iyo amarka madaxwaynaha jamhuuryada Somaliland.

Bishii Dhamaatay ee September Waxaa Geeriyooday Sadex Sarkaal oo Laba ka Mid ahi ay ka Tirsanaayeen Ciidamada qaranka iyo Sarkaalkan Shalay la dilay oo dhamaatoodba ay dileen askartiia ay Xukumayeen.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed