Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo dib u dhigtay Dhageysiga Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeney la eedeysan
Muqdisho Feb 20 2013 (SDN)— Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta bilaawday Dhageysiga Kiiska Wariye C/casiis Koronto iyo Haweeney sheegtay in ay kufsadeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo lagu xukumay min halsano oo xarig ah.
Dhageysiga Maxkamadda oo maanta dheeraaday ayaa waxaa la sheegay in labada dhinac ay soo badhigeen cadeymo badan oo dhinac kasta oo doonayo in uu go’aankooda ku difaaco.
Maxkamadda ayaa ogolaatay in qareenada u doodayay Wariye Koronto iyo Haweeyneda la kufsaday in ay keenaan cadeymo kale si ay u xoojiyaan in danbi la’aan ay yihiin labadaan qof.
Waqtiga dooda oo dheeraad ayaa Maxkamada waxa ay ku dhawaaqday in Kiiskan dhageysigiisa la isugu soo laaban doono Arbacada soo aadan oo ay sii socon doonto dhageysiga Maxkamadan.
Wariyayaashii ka qeybgalay Maxkamadda ayaa tilmaamay in ay kalsooni badan ku qabaan Maxkamada islamarkaana ay filayaan in la aqbali doono racfaanka ay doonayaan in ay qaataan.
SDN-Muqdisho