|

Maxkamada Gobolka Haw doo Xukuno ku riday Dad dadka Tahriibiya iyo Kuwo Waxyeelo u geystay Jidka Hargaysa iyo Balli Gubadle Xidhiidhiya

Hargaysa 26.June 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada gobolka Bali-gubadle ayaa xukuno kala duwan ku riday dad isugu  jira kuwa wax tahriibiya iyo kuwo waxyeelo u gaystay wada laamiga ah ee isku xidha Bali-gubadle iyo Hargaysa.

 

Waxa ay maxkamada gobolka ee Bali-gubadle xukun ku riday Axmed Nuur Axmed Mooge oo dad tahriibayaal ah si sharci daro ah u soo galinayey dalka, waxayna  maxkamada  gobolka Bali-gubadle ku xukuntay hal sano ah iyo hal milyan oo ganaaxa,

Halka ay Khadar Xariir iyo Maxamed Ismaaciil Cabdi oo waxyeelo u gaystay wadada laamiga ah ee isku xidha Bali-Gubadle iyo Hargeysa ay maxakamadu ku riday xukun kaas hore la mida, xukunkaasana waxa ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada ee gobolkaasi Sheekh Maxamuud Aw Cabdi.

Gabagabadii waxa halkaasi ka hadlay badhasabka gobolka hawd, maayirka degmada Bali-gubadle, Taliyaha qaybta ee gobolka hawd Gaashaanle dhexe Axmed C/laahi, taliyaha xabsiga saddex xidigle Jihaad oo dhamaantoodba digniin u diray dadka ku hawlan tahriibinta iyo falalka sharci darada ah, isla markkan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku qabtaan hawlahaasi talaabo sharciga waafaqsan.

Comments are closed