|

Maxkamada Distooriga ah ee Somaliland oo Maanta Guda Gashay Dacwada Xisbiga Ucid ka Dhex Taagan Iyo Dooda Labada Dhinac DAAWO

Hargaysa 18.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maxkamada Sare ee Distooriga ah ayaa Maanta Guda Gashay Ka Garnaqista Khilaaf Mudooyinkii u danbeeyay ka Dhex Taagnaa Xisbiga Ucid Isla markaana u dhexeeyay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Jamaal Cali Xuseen.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Distooriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Warbaahinta Sharaxaad ka siiyay dariiqa ay u marayaan ka garnaqista Khilaafka Xisbiga Ucid ee Sababay in laba Garab ay u Kala Jabaan.

Comments are closed